Madaxweyne Donald Trump ayaa amray in ciidamada Mareykan ah loo diro magaalada Portland ee gobolka…
Askar ka tirsan ciidamada badda Mareykanka oo lagu la’yahay badda Soomaaliya
By isxaaq Rashiid Laba askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa lagu la’yahay badda Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska dhexe ee Mareykanka.
Hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa hadda socda, sida lagu sheegay bayaankan.
Faahfaahin dheeraad ah weli lama shaacin, oo ay ku jiraan markabka ay saarnaayeen askartan iyo magacyadooda.
Mareykanka ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay maraakiib badan ka howlgaliyay badda cas iyo gacanka cadmeed kadib weerarada joogtada ah ee ciidamada Xuutiyiinta Yemen ay ka wadaan dalka Yemen oo bilowday 17-kii October.
This Post Has 0 Comments