Skip to content

Israa’iil iyo Xamaas oo Heshiis gaaray

By isxaaq Rashiid Israa’iil iyo Xamaas ayaa gaaray heshiis lagu ogolaanayo in gargaar bini’aadanimo oo dheeraad ah la geeyo magaalada Qasa, sida ay sheegeen xubnaha Qadar ee garwadeenka ka ahaa heshiiska.

Waxay sheegeen in heshiiska oo ay garwadeen ka ahaayeen dowladaha Qadar iyo Fransiiska, uu sidoo kale qeyb ka yahay, in dawo la siin doono dadka reer Israa’iil ee ku jira gacanta ururka Xamaas.

Sidoo kale Israa’iil waxay ogolaan doontaa in gargaar aasaasi ah la gaarsiiyo Qasa. Xaaladda magaaladaasi ayaa ah mid adag, iyadoo duqeymaha Israa’iil ay socdaan in ka badan muddo saddex bilood ah.

Dhanka kale, Mareykanka ayaa sheegay inuu rajeynayo in wadahadallo dheeraad ah oo la yeesho ay horseedi karaan soo siideynta dad badan oo la qafaashay.

Wefdiga Mareykanka ee Bariga Dhexe ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa waddanka Qadar si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada heshiis noocaas ah.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka cad ee Mareykanka, John Kirby, ayaa Tsheegay in wadahadallada ay ahaayeen ‘kuwa dhab ah oo dedaal bandanna ku baxay’.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Qadar, Majed Al Ansari, ayaa hore u shaaciyay heshiiskan gargaarka.

Heshiiska ayaa dhigaya in gargaar bini’aadanimo uu ka bixi doonpo magaalada Doxa ee dalka Qadar oo la geyn doono Masar, kadibna sidaas lagu sii geyn doono Qasa si loo gaarsiiyo dadka shacabka ah.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top