Skip to content

Gudoomiyaha gobolka banaadir oo shir ugu qeyb galaya Dalka Iraaq

By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha Gobolka Baanadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Bagdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq, halkaasi oo lagu wado in maanta  oo Arbaco ah uu ka furmo shirka Magaalooyinka iyo Caasimadaha Wadamada Carabta.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si heer sare ah Garoonka Diyaaradaha Magaalada Bagdaad ugu soo dhaweeyay madax sare oo uu ugu horeeyo Wakiilka Caasimadda Bagdaad ee Arrimaha Maamulka Eng. Safaa Maxamed Maxamuud.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Ciraaq waxa uu kulamo la qaadan doonnaa Madaxda dalka Ciraaq iyo Madax kala gedisan oo ka socda Caasimadaha Wadamada Carabta ee iyagu ka qeybgalaya shirkaasi.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top