Skip to content

Banaanbax ka dhan ah Itoobiya oo ka socda Muqdisho

By isxaaq Rashiid Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda bannaan-bax weyn oo looga soo horjeedo Xadgudubka Itoobiya ee Badda Somaaliya  iyo heshiiskii  is Afgaradka ahaa eedhexmaray Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed .

Bannaan-baxaan ayaa waxaa ka qayb galaya  shacabka ku nool magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda iyo sidoo kale shaqaalaha dowladda oo lagu amray in bannaan-baxa kasoo qeyb galaan.

Ciidamada  Hay’adaha Amniga ayaa adkeeyay Amniga goobaha ay ka dhacayaan bannaan-baxa, waxa ayna  ayaa ciidamada gabi ahaan Joojiyeen Isku socodka gaadiidka Nuucyadiisa kala duwan.

Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Wasiiru dawlaha Wasaarada Amniga Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Xukumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa horkacaya dadka  dibad baxaya dhigaya iyadoo Odyaal waxgarad iyo Dadweyne aad u tiro badan ay banaan baxa ka qayb galayaan.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top