skip to Main Content

Faah faahino ayaa ka soo baxaya baxaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Sargaal ka tirsan AS ku diley gobolka Baay

By isxaaq RashidCiidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maanta howlgal ay ka sameeyeen tuulooyinka hoostaga degmada Bardaale ee gobolka Baay ku dilay hoorjoogihii kooxda AS u qaabilsanaa lacagaha ay kooxdu ka aruuriso dadka degmadaas.

Yuusuf Maxamed Macalin Taliyaha Daraawiishta KGS ee degmada Bardaale oo warbaahinta la hadlay ayaa horjaagahaas magaciisa ku soo koobay Bishaar, wuxuuna intaasi ku daray in uu dhibaato badan ku hayay dadka shacabka ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in howlgalkaas ay ku soo furteen hub ay ka carareen kooxda AS, haatanna ay firxadkooda ku raad joogaan.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa xoojiyay howlgalka a dhan meleeshiyaadka kooxda AS ee ku sugan maamulka Koonfur Galbeed, xilli ay wararku sheegayaan in Dowladda Federaalka ay dib u sii wadi doonto Wajiga 2-aad ee dagaalka.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top