Skip to content

GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA OO GAARAY BARAAWE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baraawe ee gobolka Shabeelle hoose iyadoo halkaas ku soo dhoweeyay madaxweynaha dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha Koofur galbeed ayaa Kulamo la qaadanaya Maamulka, saraakiisha ciidanka iyo Bulshada Reer Baraawe.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in magaalada Baraawe ay ka socoto qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed maadaama gddoomiyahoodii Cali Saciid Fiqi uu kamid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Amniga Magaalada Baraawe oo ah Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa aad loo adkeeyay, waxaana halkaasi ku sugan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Boundless MEdia

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top