East African Published: August 27,2024 03:31 PM The United Nations Security Council unanimously voted on…
Hay’adda NISA oo war ka soo saartay sababta loo xiray Xarumaha shirkadda Hormuud
by isxaq RashiidHay’adda Nisa aoo ayaa maanta Alnaabada isigu laabtay Xarumiha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedhay Magaalada Muqdisho .
Ciidamo wata Gaadid dagaal oo ka tirsan Hay’adda Nisa ayaa Xiray Dhamaan xarumaha shirkadda Hormuud Bakaaraha Xamarweyne iyo Tareebiyaano.
Qoraal ka soo baxay Hay’adda Nisa oo looga hadlayay sababta loo xiray Xarumaha shirkada Hormuud ayaa u qornaa sidaan:
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyada oo ka duuleysa codsi uga yimid Shirkadda Hormuud, 26-kii bishii December 2023 oo ay ku waydiisatay in ay ka caawiso dhibaato ay kala kulantay Argagaxisada, Hay’addu waxay baaris ay sameysay ku ogaatay in qaar ka tirsan shaqaalaha Hormuud ay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin argagaxisada. Sidaas awgeed, Hay’addu waxa ay shirkadda ka dalbatay in ay fatashaad ku samayso dhaqdhaaqa Koontooyin Bangi iyo Adeegga EVC Plus, sida ku cad qodobka 8aad Faqradiisa 3aad ee sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka.
Haddaba, halkii shirkadda laga sugayay in ay Hay’adda ku gacansiiso gudashada waajibkeeda Qaran, waxa ay diiday wadashaqayntii iyo ka jawaabista codsiyadii loo diray, waxayna fakisay eedeysanayaashii ka tirsanaa howlwadeennadeeda.
Sidaas darteed, Shirkaddu waxa ay si toos ah ugu tumatay Sharci Lr.003, qodobka 48-aad ee Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka iyo Sharci Lr.007, qodobka 11-aad ee sharciga la dagaallanka Argagixisada.
Ugu dambeyntii, Hay’addu, iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda, waxa ay qaadday tallaabo waajib gudasho ah oo waafaqsan sharciga, waxayna soo xirtay qaar ka mid ah howlwadeennada Shirkada oo is hortaag ku sameeyay shaqada Hay’adda.
F.G: Hay’addu marnaba ma doonayso in lala wadaago xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaliya waxay doonaysaa in ay hesho xogta iyo dhaqdhaaqyada argagixisada.
Dhammaad
This Post Has 0 Comments