skip to Main Content

hoggaamiyaha ugu da’da yar qaarada Afrika oo xilka loo dhaariyey.

By isxaaq Rashid Bassirou Diomaye Faye ayaa loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynaha Senegal, isagoo noqonaya hoggaamiyihii ugu da’da yaraa ee la soo doorto ee waddan Afrika ku yaalla.

Madax ka kala socota qaarada Afrika ayaa ka qeyb galay xaflada caleema saarka oo ka dhacday meel ka baxsan caasimada Dakar.

Bishii la soo dhaafay Mr Faye ayaa ku guuleystay doorashadii dib u dhacday, isagoo helay boqolkiiba konton iyo afar codadkii la dhiibtay, isagoo ka hormaray ninka la tartamayay ee Amadou Ba. Jimcihii, golaha dastuurku wuxuu xaqiijiyay Mr Faye inuu yahay ninka ku guuleystay kursiga.

Waxa uu la kulmi doonaa caqabado badan oo ay ka mid yihiin shaqo la’aanta dhalinyarada, dhibaatada maciishadda iyo musuq-maasuqa.

Faye ayaa xabsiga laga sii daayay wax ka yar laba toddobaad ka hor codbixinta, iyadoo uu weheliyo la taliye iyo ninka mucaaradka ah ee Ousmane Sonko, ka dib cafis siyaasadeed oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha xilka ka degaya Macky Sall.

Xarigoodu waxa uu dhaliyay mudaaharaadyo bilo ah iyo walaac laga qabo in Sall uu mar saddexaad raadsado xafiiska inkasta oo ay xaddidan tahay muddo xileedka. Kooxaha xuquuqda ayaa sheegay in daraasiin la dilay ilaa 1,000 kalena xabsiga la dhigay.

Khudbadiisii ugu horeysay ee madaxweyne, Faye waxa uu xasuustay dadkii la dilay iyo kuwii la xiray intii ay socdeen mudaaharaadyada, wuxuuna ballan qaaday in uu gaarsiin doono dalka madax-bannaani ballaaran iyo barwaaqo.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top