Skip to content

Israa’il oo diiday dowlad badax banaan oo aay yeelaneyso falastiin

By isxaaq Rashiid Ra’iisal Wasaaraha  wasaaraha Israa’iil, Benjamin Neytanyahu ayaa sheegay inuu ku wargeliyay Mareykanka in uu   ka soo horjeedo qorshaha abuurista dowlad Falastiin ah oo madax banaan marka uu dhamaado dagaalka Qasa.

Shir jaraa’iid oo uu qabtay, ayaa Netanyahu sidoo kale ku adkeystay inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Qasa illaa Israa’iil  ay guul ka gaareeyso .

Waxaa uu dhanka kale sheegay, in dagaalka ka dhanka ah Xamaas uu qaadan karo ‘bilooyin hor leh’.

Qorshaha ah in la abuuro dowlad Falastiini ah dagaalka ka dib, waxaa dabada ka riixayay Mareykanka.

Iyadoo Qasa lagu dilay ilaa 25,000 oo qof oo reer Falastiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ay Xamaas maamusho, isla markaana boqolkiiba 85 dadka halkaas ku noolaa ay barakaceen, Israa’iil waxay wajaheysaa cadaadis ballaaran oo ah inay joojiso dagaalka isla markaana arrinta lagu soo af-jaro wadahadallo.

Xulafada Israa’iil, oo uu ku jiro Mareykanka iyo qaar badan oo ka soo hor jeeda, ayaa ku booriyay dib u soo yagleelidda “xalka labada dowlad”, kaas oo mustaqbalka Falastiin ka dhigaya dal deris la ah Israa’iil.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top