skip to Main Content

Mw hore Shariif sheikh axmed oo si kulul uga hadlay xaaladda dalka

By isxaaq Rashiid Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee soo kordhay, sida dagaal beeleedyada iyo hubkii lagu boobay Caabudwaaq, isaga oo ku tilmaamay wax laga xumaado, maadaama ay halis ku yihiin dowladnimada dalka.

Shariif ayaa soo hadal qaaday ammaanka, dagaalka AS, arrimaha ciidamada iyo doorashooyinka dalka, wuxuuna sheegay in dhammaan laga gaabiyay.

Arrinta ciidamada waxa uu tilmaamay inuu socdo qorshe lagu burburinayo ciidanka Xoogga dalka, isla markaana la abuurayo ciidamo gaar ah oo dano laga leeyahay.

“Istarakjarka ciidanka oo la beddalo wuxuu muujinayaa in aan laga shaqeyneynin ciidan inuu dhismo oo laga shaqeynaayo awood gaar ah inay dad gaar ah gacantooda kusoo auurto” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladda KMG ahayd ee dalka.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dalkan Janaraalo ayaa soo xukumeen waqti dheer oo ciidanka gacantooda uu ku jiray dadka waxa ay ku joogi karaan waa cadaalad, nina inuusan ku fikirin inuu ciidan gaar ah diyaariyo hub gaar ah qaato si uu wax gaar ah ugu gaaro arrintaas waxaan u maleynaayay in laga soo gudbay maanta inay muuqato saa saankeeda wax aad iyo aad looga xumaado waayay”.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isaga oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka gaabiyay inuu dalka u jiheeyo doorashooyin, wuxuuna si gaar ah ugu eedeeyay inuu hortaagan yahay doorashooyinka maamullada.

“Waxaa nasoo gaartay in madaxweynuhu uu ku yiri Madaxda maamul goboleedyada ee xiligu ka dhammaaday iska jooga waxba doorasho ha gelinina, dowlad ka shaqeynaysa danaheeda gaarka ah intee na gaynaysaa?”. ayuu mar kale yiri.

Sheekh Shariif waxa kale oo uu ka hadlay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in maanta dalka uu joogo meel halis ah, isla markaaa dib loo noqday.

“Amniga waxaan ognahay maanta AS meesha ay joogeen waa ay kasii xoog badan yihiin, ummadda Soomaaliyeed kalsoonidii dhexdeeda taallay waa dhaawacantay” ayuu ku sii daray.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top