CNN News Published: July 30,2024 4:45 PM In some of Africa’s major cities, young people…
RA’IISUL WASAARE XAMSE OO MASAR TAGAYA IYO UJEEDDKA SOCDALKIISA
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaas kaga qaybgalayo shir madaxeed looga hadlayo Isku dubaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.
Kulanka oo ah midka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa kulamo doceedyo kala duwan la qaadan doona qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa shirkaas.
This Post Has 0 Comments