By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
14 qof oo ku barakacay dabkii ka dhacay dhisme ku yaala magaalada Auburn; halkaana la baadhayo sababta dabku u dhacay
Ridwan Ali
In ka badan toban kiraystayaal ah ayaa barokacay Isniintii ka dib markii uu dab qabsaday
dhisme ku yaal wadad 68 High St.
Ku-xigeenka Madaxa Dabka Matthew Fifield ayaa sheegay Talaadadii in ay u muuqatay in 14 qof oo ku noolaa dhismaha lixda dabaq ah ay awoodi kari waayeen in ay guryahooda iska joogaan ka dib dabkii aroortii hore ee looga shakiyay in uu ka billowday dabaqa labaad halkaasna lagu sheegay in uu dab culus ka dhacay iyo qiiq qasaare u geystay dabaqaas qiiqa uu gaadhay dabaqa saddexaad.
Xafiiska Dabdamiska Gobolka iyo kormeeraha dabka ee deegaanka ayaa billabay inay baadhan dabka waxa sababay, Laga soo bilaabo galabnimadii Talaadada, xafiiska gobolka ma uusan soo saarin sababaha dabka, ayuu yiri Fifield.
Dabka ayaa la sheegay inuu dabku bilawday 5:30am subaxnimo inkasta oo uusan jirin dabkaasi wax u dhawac uu u gaystay dadkii dhismahaas daganaa wax aan ka ahayn hal dab damiye ah oo jilibka waxyar ka gaadhay.
Wixii akhbaar ah ee soo kordha halkan kala soco.
This Post Has 0 Comments