By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir (Qaanqaa) ayaa sheegay sababaha dalkooda loogu celinayo…
18ka May oo maanta laga xusayo Soomaaliland
By isxaaq Rashiid Maanta oo ku beegan 18 Bisha May ayaa waxaa degaanno iyo degmooyin badan oo ka tirsan Somaliland looga dabaa-degayaa 33-Sano Guuradii kasoo wareegtay markii Somaliland ay Magalada Burco uga dhawaaqday inay ka Go’day Soomaaliya inteeda kale.
Bulshada kunool degaannada Somaliland ayaa dabaal-degyo kala duwan dhigaya, iyada ay kala qeyb gelayaan mas’uuliyiin katirsan Somaliland oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo khubad u jeedin doona Shacabka Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo hadal u jeediyay Bulshada Somaliland ayaa ugu hambalyeeyay Maalintaan, isaga oo ugu baaqay Midnimo.
Muddo 33 sano kadib Somaliland ayaan weli aqoonsi ka helin Caalamka, waxaana jira dalal dhowr ah oo xiriir kala dhaxeeya, kuwaas oo taageero weyn ka siiya Arrimaha mashaariicda, doorashooyinka iyo Amniga
This Post Has 0 Comments