skip to Main Content

2.3 milyan oo laga dhacay bangi ku yaalla Nakuru

By Abdinajib Abdullahi

Waxaa lagu soo warramayaa in burcad hubeysan ay lacag dhan 2.3 milyan oo shilin kala baxsadeen bangiga Prime laantiisa Nakuru.
Falkan ayaa la gaystay galinkii dambe ee shalay waxaana ka qayb qaatay burcad tiradoodu lagu sheegay 5 qof.
Bangiga hantidan laga dhacay ayaa ku yaalla daarta Westside Mall ee waddada Kenyatta Avenue.
Warbixinta booliska ayaa tilmaamaysa in burcadda ay gudaha u gashay bangiga iyagoo halkaasi in muddo ah ku hayay sagaal ka mid ah shaqaalaha xarunta ka hor inta aynan lacagta qaadan.
Waxaa saldhigga booliska ee bartamaha Nakuru laga diiwaangeliyay farriin ah in dhacdadan sidoo kale lagu dhaawacay sarkaal lagu magacaabo Mr Meshack Tanui oo bangiga ka shaqeeya.
Hasa ahaate waxaa dhaawaca soo gaaray looga daweeyay isbitaalka Aga khan Hospital kadibna laga saaray.
Qaar ka mid ah ciidamada ammaanka ee bariga Nakuru ayaa goobta gaaray in kastoo aynan cidna u soo xirin falkaasi.
Dhaca bangiga Prime lagu bartilmaameedsaday abaare 4.30 galabnimo ee shalay waxaa sidoo kale warbaahinta u xaqiijiyay maamulaha, Suraj Rawal.
Ciidamada booliska ayaa goobta ka soo helay hub lagu tilmaamay gacan ku sameys, dubbe, taleefoonka gacanta oo ah nooca shirkadda Huawei iyo 1,000 shilin oo lacag caddaan ah.
Laamaha ammaanka ayaa sheegaya in dhaca uu ahaa mid la soo qorsheeyay waxayna ku raad joogaan burcadda oo falka ka dib ku baxsaday mootooyin.
Sidoo kale ciidamada booliska ayaa guda galay baaritaanno arrinkan ku aaddan iyadoo su’aalo la weydiinaya shaqaalaha bangiga iyo waardiyeyaasha.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top