By isxaaq Rashiid Ra’iisul Wasaaraha XukuumaddaFederaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta Wasaaradda…
30 haween ah oo lagu afduubtay Cameroon oo la soo siidaayay
by abdinajib abdullahi
cameroon(Boundless media)_Waxaa lagu soo warramayaa in la siidaayay 30 haween oo da’ ah ka dib markii toddobadkii hore ay afduubteen kooxo gooni u goosad ah oo ku sugan gobolka Anglophone ee dalka Cameroon.
Haweenka ayaa la afduubtay ka dib markii ay ka mudaaharaadeen canshuur ay qaadi jireen kooxdan gooni u goosadka ah, sida uu sarkaal ka tirsan dowladda u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.
Madaxa kormeerka ee wasaaradda isgaarsiinta ee dalka Cameroon Denis Omgba Bomba ayaa sheegay in haweenkan la sii daayay fiidnimadii 23-kii bishan, saddex maalmood ka dib markii laga afduubtay gobolka waqooyi galbeed Anglophone ee wadankaasi.
Mr.Omgba Bomba ayaa sheegay in uusan dooneyn in uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo siideynta haweenka iyo xaaladooda caafimaad, marka laga reebo in mid ka mid ah oo lug ka jabtay.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in markii hore ku dhawaad 50 haween ah la afduubtay oo si xun loo garaacay balse la sii daayay isla maalintii la afduutay 30-ka haweenka ah.
Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa laga soo xigtay in sidoo kale haweenkan la jirdilay.
Barasaab ku sugan gobolka Anglophone ayaa wakaalada wararka ee AFP u xaqiijiyay sii daynta haweenka la afduubtay, isaga oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.
Fallaagada ayaa sheegtay in canshuurta ay qaadaan ay ku maalgeliyaan dadaalkooda ku aadan madaxbannaanida ay doonayaan.
Gobolka Anglophone ayaa looga hadlaa luuqadda Ingiriiska in kastoo inta badan wadanka Cameroon laga adeegsada luuqadda Faransiiska.
xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media
This Post Has 0 Comments