skip to Main Content

4 boolis ah oo lagu dilay deegaanka Dadaab

By Abdinajib Abdullah

Waxaa lagu soo warramayaa in afar ka mid ah ciidamada ammaanka ee dalka ay shalay ku dhinteen weerar laga gaystay inta u dhexeysa Kullan iyo Liboi gaar ahaan meel lagu magacaabo wara cadcad oo qiyaastii 17 kiiloomitir u jirta magaalada Liboi.
Saraakiisha falkaasi ku nafwaayay ayaa ka mid ahaa booliska keydka ee KPR-ta ee deegaanka Dadaab.
Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa dhacay abaare 11-kii barqannimo ee shalay.
Kooxa hubaysan oo la rumaysan yahay inay yihiin burcadda jidka gasha ayaa bartilmaameedsaday baabur ay saarnayeen ciidamada dhintay oo xilligaasi gudanayay waajibaadkooda shaqo.
Laamaha ammaanka dalka ayaa goobta gaaray waxayna ilaa iyo hadda wadaan baaritaano iyo bacsiga kooxdii falkan ka dambeeyay oo aan heybtooda la aqoonsan.
Jidka isku xira Dadaab iyo Liboi ayaa waxaa ku soo badanayay burcad hubaysan oo dadka iyo gadiidka jidka mara u geYsta dhac iyo dhibatoyin kale.
Burcadda ayaa inta badan gasha inta u dhexeysa magaaloyinka Kullan Iyo Liboi waxayna dadka iyo gaadiidleydaba ka qaataan lacago baad ah.
Dhacdadii u dambaysay oo dhac ah waxay jidkaasi burcaddu ka gaysatay maalintii shalay oo sida la sheegay ay qabsadeen ilaa 5 baabur oo oo ah nooca takaasida waxayna ka qaateen lacago badan .
Sidoo kale dhowr bil ka hor ayay 2 qof ku dhaceen inta u dhaxaysa Kullan iyo Liboi waxaana arrintaasi si adag u cambaareyay dadka deegaanka, siyaasiyiinta iyo laamaha ammaanka.
Iskuduwaha amniga ee gobolka waqooyi bari Nicodemus Ndalana oo labo cisho ka hor hadlay xilli uu ku sugnaa Fafi ayaa sheegay in burcadda dadka dhibaatada u gaysata ay la dagallami doonaan ilaa iyo inta laga cirib tiraya.
Laamaha ammaanka ayaan wali ka hadlin dhacdadii ugu dambaysay ee maanta lagu dilay 4 sarkaal oo ka tirsanaa booliska keydka, waxaana heegan sare la galiyay saraakiisha amniga ee deegaankaasi.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top