Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Ergayga gaarka ah ee madaxweyne Soomaaliya u qaabilsan arimah Somaliland ayaa la kulmay Safiirka Dowladda qatar ee Somaliya
By isxaaq Rashiid Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa kullan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda QATAR u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr. Abdolla Salem Alnuaimi, kullanka ayaan diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal, iyo dardargalinta wada-hadallada DFS iyo Somaliland.
Ergayga ayaa Safiirka Dowladda QATAR uga warbixiyay Mowqifka Dowladda DFS iyo sida ay uga go’antahay xal u helidda Arrimaha Somaliland, Safiirka ayaa dhankiisa muujiyay in ay Dowladda QATAR diyaar u tahay garab istaag buuxa iyo taageero dhab ah iyo sidoo kale ka gun-gaarista wadahadallada DFS iyo Somaliland.
This Post Has 0 Comments