Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay deeganka Daaru-Nicma oo As saakay qabsadeen
By isxaaq Rashiid Kadib markii waaberigii hore ee saaka Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen degaanka daru-Nicma oo hoostaga degmada Runil-Good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa la sheegay inay ciidamada dowladda dib ula wareegeen degaanka.
Intii uu socday dagaalka ayaa warar aan helnay waxaa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen , sidoo kalena Al-Shabaab ay burburiyeen Goobo muhiim ah oo kuyaalla degaanka.
Xaaladda degaanka Daaru-Nicma ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ah mid dagan waxaana sidoo kale bad qaba Ceelkii Biyaha oo ay isku dayeen in ay Qarax ku xiraan laakin aan suuragalin.
Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo taliska Guud ee Ciidamada ayaan weli ka hadlin dagaalka ka dhacay degaanka Daaru-Nicma, balse Al-Shabaab ay sheegteen inay burburiyeen Saldhigyadii Ciidamada dowladda.
This Post Has 0 Comments