Skip to content

Shirar xasaasiya oo laascanood ka socda iyo Isimada SSC oo Somaaliland ugu baaqay in aay kala baxdo ciidankeeda Gobolka Sool

By isxaaq Rashiid Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah Hogaanka Isimada Dhaqanka SSC oo  ka hadlayay xaalada  Amni ee Gobolka Sool ayaa markale dalbaday in Ciidaamadda Soomaaliland laga Saaro gobolka Sool islamarkaana madaxda Soomaaliland ay kalaa hadli doonaan wixii ay Tabanayaan.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in Ciidamada Soomaaliland ay dhibaato u geysteen shacabka ku nool gobolka Sool, sidoo kalena go’aankooda uu yahay  in babi  Ciidaanka Somaaliland laga saaro gobolka Sool.

Sidoo kale ‘ Ismimada Dhaqaaqanka SSC ayaa maanta shir uu uga Furmayaa Magaalada Laascaanood ‘iyadoo shirkaas Hogaan Cusub ay ku dooran doonaan Isimada Dhaqanka SSC sida wararku ay sheegayaan.

Shirka Maanta Magaalada Laascaanood uga Furmaya Isimada Dhaqanka SSC ayaa ku soo aadaya xilli duleedka waqooyi ee Magaaalada Laascaanood ay isku horfadhiyaan Ciidamadda Militariga Soomaalailnd iyo kuwa SSC ay dhowr jeer halkaas ku dagaalamay.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top