Skip to content

Faah faahinno ka soo baxaya Dabki xoogana ee xalay ka kacay suuqa weyn ee Jigjiga

By isxaaq Rashiid Dab xooggan oo xalay ka kacay suuqa Taywaan ee magaalada Jigjiga ayaa qayb ahaan la xakameeyay in kastoo aan weli lagu guulaysan demintiisa.

 

Dabka oo si xawli ah uga holcaya suuqa Taywaan ayaa laga xakameeyay in uu ku faafo suuqyada iyo goobaha ganacsiga ee ku xeeran suuqa gubanaya.

 

 

Ciidanka Dab-demiska caasimadda ee Jigjiga oo kaashanaya shacabka magaaladaasi ayaa weli la tacaalaya deminta suuqaas oo ay ku baaba’day hanti fara badan.

 

Sidoo kale ‘waxa weli socda gurmadka ka imaanaya magaalooyinka ka baxsan Jigjiga si ay qayb uga noqdaan deminta dabka ka holcaya suuqa.

 

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Dabka suuqa weynaha Taywan qabsaday oo weli lala tacaalayo ayaa sii fidiya, ilaa boqol meheradood oo gada badeecado kala duwan ayaa lagu soo warraayaa in ay basbeeleen, iyada oo lagana cabsi qabo in dabku ku fido xaafadaha suuqa la deriska ah.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top