By isxaaq Waxaa magaalada muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirka madaxda dowladda dhaxe iyo maamulada…

Uhuru oo iska fogeyay ku lug lahaanshaha dibadbaxyada
By Ayanle Dhiire
Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa iska fogeeyay inuu qayb ka yahay dibadbaxyadii ay wadanka ka dhigeen isbeheysiga mucaaradka ee Azimio.
Dowladda ayaa horay Uhuru ugu eedeysay inuu mudaaharaadyada maalgelinaya balse taasi ayuu gaashaanka u daruuray.
Waxaa uu Uhuru sheegay inuunan kaalin firfircoon ku lahayn saaxadda siyaasadeed ee wadanka.
Xilli uu tifaftirayaasha warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayuu hoggaamiyihii afaraad ee dalka cadeeyay in wiilashiisa ay haystaan 6 qori oo ay dowladdu u diiwaangelisay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii howlgal laga sameeyay guriga wiilka Uhuru Kenyatta ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kithure Kindiki ayaa sheegay in howlgallada laga sameeyay ilaa saddex guri oo ku yaalla Karen lagu raadinaya ilaa 23 qoryo ah oo la rumeysan yahay in loo adeegsanaya waxyaabo sharci darro ah.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu diyaar u yahay inay wada hadlaan isaga iyo madaxweynaha dalka William Ruto haddii uu la soo xiriiro
This Post Has 0 Comments