Skip to content

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo xukun ku ridday rag loo heysto kamid ahansha As

By isxaaq Rashiid Maxkamadda ciidamada qalabka sidda ayaa maanta  xukun ku riday  Cali Xuseen Buundo iyo Cali Suleymaan Ibraahim oo ka tirsan AS waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.

Labadan xubnood ayaa bishii May ee sanandkan lagu qabtay howlgallo laga sameeyay degaano hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, xilli uu socday wajigii 1aad ee howlgalkii  AS looga  saarayay  degaano ka tirsan koofurta gobolka Mudug.

Maxamed Cali Xuseen Buundo iyo saaxiibkiis Cali Suleymaan Ibraahim ayay maxkamaddu sheegtay inay kasoo qeyb qaataan dagaaladii lagu xoreeyay degaanada maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Maxamed Cali Xuseen Buundo ayaa shaqooyinkiisii ugu dambeeyay waxay ahayd inuu qaado maydadka AS ee ku dhinta dagaalada Hawgalada Ciidanka Dawlada ay ka fuliyaan degaanad Galmudug iyo Hirshabeelle , halka Cali Suleymaan Ibraahim uu qaabilsanaa keydinta hubka.

Bishii la soo dhaafay  Julay ee sannadkan ayay billaabatay dhegaysiga maxkamadayntooda, iyadoo maanta ugu dambayn maxkamaddu ay go’aan ka gaartay dambiyadda loo haystay.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top