Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Duqeyn ka dhacday gobolka hiiraan iyo warar ka soo baxaya
By isxaaq Rashiid Wararka naga soo gaaraya degaanka Mukeeyle ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in waaberigii hore ee saaka halkaasi ay ka dhacday duweyn xoogan igo howlgallo ay fuliyeen Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga degmada Buulo-Burde ayaa warbaahinta u sheegay in duqeymaha lala beegsaday dhul howd ah oo ay isku aruursanayeen dagaamayaal katirsan AS isla markaana khasaaro lagu gaarsiiyay.
War kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu baahiyay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in lagu beegsaday Garaash kuyaalla degaanka Mukeyle, isla markaana lagu burburiyay Gaari ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa, wallow aysan bixin faah faahino dheeraad ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Mukeyga ayaa sheegaya in duleedka degaankaas ay howlgallo xoogan ka wadaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
This Post Has 0 Comments