Skip to content

Ciidamada dowladda oo howlgalo miino baaris ah sameeyay

By isxaaq Rashiid Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB  ayaa howlgal miino baaris ka sameeyay degaanka Daaru-nimco iyo degaannada ku dhow dhow, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno katirsan AS

Ciidamada ayaa inta ay baaritaanka wadeen waxay ku guulaysteen ineey miinooyin ka saaraan wadooyinka soo gala deegaanka iyo kuwa ka baxa oo ay isticmaalaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanka daaru nimca iyo deegaanada u dhaw.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa shegay in AS  ay wadooyinka iyo goobaha ay isticmaan dadka shacabka ah geliyaan miinooyin ay doonayaan ineey ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed

ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed oo u taagan badqabka muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada laga xureeyay AS  aagaasi ka nadiifiyeen miinooyinka ay cadawga ummadda soomaaliyeed ku aaseen ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada.

Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska DANAB waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah AS ee laga fulinayo degaannada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha dhexe ay kaga sugan yihiin AS

Howlgalkan ay Ciidamada DANAB ka sameeyeen degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kusoo aadaya xilli diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah AS uu ka socdo degaano iyo degmooyin ka kala tirsan Gobolada, Hiiraan Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top