Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Ciidamada dowladda oo ku wajahan degmooyinka ceelbuur iyo galhareeri
By isxaaq Rashiid Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa u jiheystay xoreynta degmooyinka Ceelbuur, Wabxo iyo Galhareeri ee Gobolka Galgadud, halkaas oo 10-kii sano ee la soo dhaaay ay gacanta ku hayaan Ururka AS
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka kala baxay Magaalooyinka Dhuusamareeb oo katirsan Gobolka Galgaduud iyo Maxaas oo katirsan Gobolka Hiiraan.
Ciidamada ka baxay Dhuusamareeb ayaa ku wajahan la wareegitaanka Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Galhareeri halka Ciidamada ka baxay Wabxo ay k wajahan yihiin degmada Wabxo, sida ay sheegen Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee Macawiisleyda ay howlgallada billaabeen, isla markaana laga xoreyn doono AS degaannada ay ka joogaan Galmudug.
Wuxuu sheegay in howlgalka wajigii koowaad lagula wareegay degaano dhowr ah, isla markaana uu rajeeynayo in wajiga labaad lagula wareego degaannada iyo degmooyinka ay weli kaga harsan yihiin Gobolada dalka.
This Post Has 0 Comments