Skip to content

Wararkii ugu danbeeyay dagaal garawe ka dhacay

By isxaaq Rashiid Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geeystay  oo xalay ka dhacay magaalada garawe ee xarunta Puntland  

Dagaalka ayaa sida la soo wariyay u dhaxeeyay ciidamada Booliska Puntland iyo kuwa kale oo tabacsan mucaaradka waxana uu ka dhacay xafadda is raac ee magaalada garaw

Taliye ku xigeenka booliska gobolka Nugaal oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay  sida uu ku bilaabmay dagaalka oo qaatay ku dhawaad Hal Saac wuxuuna sheegay in dagaalka uu u dhexeeyay ciidamada amniga iyo koox hubeysan oo tegtay saldhigga Israac.

Sidoo lale Waxa uu  sheegay marka hore dhacdada ay ka bilaabatay shil gaari oo ay geysteen kooxda hubeysan, kadibna ay isku dayeen inay khalkhal-geliyaan Amniga saldhigga balse ay ka hortageen .

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhaawacmay dagaalka , kaas oo uu soo gaaray dhaawac fudud, sida uu sheegay taliye ku xigeenka booliska gobolka Nugaal Puntlnd .

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top