By isxaaq Daadad ayaa ka soo rogmadey magaalada Muqdisho kadib markii roobab culus oo socday…

Dagaal khasaaro geystay oo owdheegle ka dhacay
By isxaaq Rashiid Dagaal xoogan ayaa Maanta ka dhacay degmada Owdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AS
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii AS ay weerar qaraxyo ku billaawday ay qaadeen Saldhigyada Ciidamada dowladda ee degmada Owdheegle, waxaana dagaalka oo socday ku dhawaad Saddex saacadood ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.
War kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ay baahisay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay inay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka hortageen weerarkii AS, isla markaana ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen
Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Awdheegle ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dagaalka lagu dilay Xubno badan oo katirsan AS yna ka carareen meydadka in ka badan 20 Xubnood.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Owdheegle ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka ay halkaasi ka wadaan howlgallo xoogan, iyada oo Ciidamo horleh oo katirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed
This Post Has 0 Comments