
RA’IISUL WASAARE KUXIGEENKA DALKA OO DAAH FURAY MASHRUUCA SOO KABASHADA XASRADAHA SOOMAALIYA
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u yahay dalka, xiligaan dagaalka adag lagula jiro AS , isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay doorkooda muhiimka ka qaataan si Soomaaliya u gaarto xasilloono buuxda.
Mudane Saalax ayaa intaas ku daray in AS caadaysatay burburinta goobaha adeegyada bulshada, sida xarumaha caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada, sidaas awgeedna Xukuumadda #DanQaran dhinac waddo dagaalka Alshabaab barnaamijka xasillinta deegannada laga xoreeyey AS iyo dib-u-dejinta dadkii ka qaxay.
Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan hay’adda SODMA iyo Bangiga Adduunka ayaa ah mid looga jawaabayo baahiyaha deg-degga ah ee ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya dagaalka ka dhan ah AS , isla markaana la gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah deegaannada la xoreeyay, sida goobo caafimaad iyo biyo nadiif ah.
This Post Has 0 Comments