Skip to content

By isxaaq Rashiid Ciidamada Ammaanka Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayay waxaa ay ka sameeyeen xaafado katirsan Magaaladaasi Jowhar.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa kormeeray Baraha Koontarool iyo Buundooyinka laga sugo amniga Caasimada Jowhar.

Kormeerkaan ayaa looga gol lahaa xoojinta iyo adkeenta Amniga Caasimada Hirshabelle, sida lagu sheegay War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Maamulka Hir-Shabeelle.

Magaalada Jowhar oo ah Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal loo geystay mas’uuliyiin iyo Askar, waxaana mararka qaar howlgallo ka fuliya laamaha Amniga Magaaladaas.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top