Skip to content

NCIC oo shegtay in shaqaaleysiin ismaamulada Ay qabyaalad Hareysay

By Ayanle Dhiire 

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in nidaamka shaqaaleysiinta ee ismaamullada wadanka uu hareeyay qabiileysi iyo qof jecleysi.
Warbixinta waxaa ku cad in 29 ka mid ah qowmiyadaha wadanka ismaamullada laga siiyo fursado shaqo oo ah keliya boqolkiiba 1.
Dadka ugu badan ee dowlad deegaannada laga howlgeliyay ayaa ka soo jeedo qowmiyadda Kalenjin waxayna hayaan boqolkiiba 15.83 ee shaqooyinka.
Waxaa soo raaca qowmiyadda Kikuyu oo la siiyay boqolkiiba 15.77 ee shaqooyinka ismaamullada ,Luhya ( boqolkiiba 11.6), Luo ( boqolkiiba 9.81), Kamba ( boqolkiiba 8.88), Kisii (7.68 ), Meru (4.88 ) iyo Mijikenda (4.60 boqolkiiba).
Danvas Makori oo ka mid ah saraakiisha sare ee guddiga NCIC ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dowlad deegaannada ay qowmiyadaha wadanka isugu dheelli tirin fursadaha shaqo.
Wambui Nyutu oo ka mid ah saraakiisha sare ee NCIC ayaa dhankeeda sheegtay in ismaamullada 10-kii sano ee ugu dambeeyay lagu bogaadinaya inay kordhiyeen haweenka ka howlgalo.
Boqolkiiba 53 ee tirada shaqaalaha guud ee ismaamullada wadanka oo gaaraysa 184, 876 ayaa haween ah.
Waxay Wambui intaasi ku dartay in mid ka mid ah guddoomiyaasha guddiyada adeegga dadweynaha ee ismaamullada oo ay wareysteen uu u sheegay in haddii barasaabka ismaamulka uu ku amro inuu shaqaaleysiiyo qof ay guddoomiyaha isku qabiil yihiin oo uu ka diido inuu shaqadiisa ku waynaya

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top