Skip to content

Booliska magaalada muqdisho oo xabsiga dhigay haweeney caanka aheyd barta tiktok

By isxaaq Rashiid Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibkiisa ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xeray Bishaaro Idiris Maxamed oo maalmahii lasoo dhaafay baraha Bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah oo aay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta horgeeyay Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xereen Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaana lagu soo eedeeyay In ay ku xadgudubtay anshaxa iyo dhaqanka.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in uu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top