Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…
Isimo ku sugan Garowe oo ku howlan in laga hortago Gacan ka hadal ka dhasha doorashada Puntland
By isxaaq Rashiid Qaar kamid ah Isimmada Puntland iyo xubno kamid ah musharaxiinta madaxweynaha, ayaa magaalada Garowe ka wada dadaalo nabadeed oo ku aaddan in laga hortago colaad magaalada ka dhacda.
Dadaaladan ayaa yimid, ka dib markii ciidamada taabacsan mucaaradka hubaysan ay ku dhawaaqeen dagaal, iyagoo dadweynaha magaalada Garowe deggen ugu baaqay inay isaga guuraan xaafadaha ku dhow madaxtooyada iyo baarlamaanka.
Dhinacyada ku howlan nabadda ayaa doonaya in khilaafka iyo tabashada lagu xalliyo si nabad ah, waxayna la kulmeen qaar kamid ah musharaxiinta, iyagoo ku booriyay in aan xalka lagu raadin xabbad iyo colaad.
Dhinacyadan ayaa aaminsan haddii xal la waayo in doorashada la galo, laguna kalsoonaado xildhibaanada lasoo xulay, kuwaas oo qeyb kamid ah musharraxiinta ay ku eedeynayaan inuu madaxweyne Deni boobay.
Dad badan ayaa magaalada Garowe ka barakacay, iyagoo ka cabsanaya in dushooda ay xabbada ka bilaabato. Waxaana qaar kamida dadweynaha magaalada Garowe taleefoonadooda ugu dhacay farriimo digniin ah.
Ciidamo ka kala tirsan mucaaradka iyo maamulka ayaa haatan isku horfadhiya qeybo kamid ah magaalada gudaheeda, kuwaas oo laga cabsi qabo in saacad kaste ay isku dhacaan.
Sidoo kale waxaa magaalada lasoo galiyay ciidamo kala duwan oo ay dal badeen mucaaradka iyo madaxweyne Deni.
This Post Has 0 Comments