Skip to content

Madaxweyne Xasan sheikh oo weerar argagaxiso ku tilaamay falkii xalay lagu layay saraakil Ajanabi iyo Soomali isugu jiray oo ka dhacay Muqdisho

By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Isbitaalka ERDOGAN EX Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaraatka ee  ku dhawaacmay falka argagaxa leh ee ka dhacay Xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraatka Carabta.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.

Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan galaaftay nolasha Saraakiishaan wakhtigooda u hibeeyey dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadan.

“Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top