Skip to content

Nin ayaa baabur kormariyay booliskuna sheegay inuu bartilmaansaday qoys muslim ah

Nathaniel Veltman ayaa dilay afar qof oo muslim ah dhaawacayna hal qof halkaasna boolisku sheegay inuu ah weerar naceeyb ah.

Veltman oo ah 20 jir ayaa laxidhay maalintii isniinta marku markhaati uu sheegay inuu gaadhigiisa kormariyay qoyska oo sugaya inay gudbaan jidka magaalada London ee gobalka Ontario. Veltman ayaa lagu oogay afar dil darajada koobaad ah.

Booliska waxay cadeeyeen Salma Afzal, 46 jir, xaaskiisii Madiha 44 jir, gabadhoodi Yumna 15 jir iyo 74-jir ciyaalka ayaydood ah ayaa weerarkaas ku dhintay halka wiilkii 9-jirka ayaa uu ku dhaawacmay.

Zahid khan ayaa sheegay inuu saaxib la’ahaa faamaliga una sheegay wariyayasha inay ka imaadeen dalka Pakistan 14 sano kahor. Khan ayaa sheegay inay lugayn jireen maalinkasta.

Booliska ayaa la shaqeeynaya fadaraalka in lagu qaado dacwado argagixiso lakin uusan sheegin cadeeymaha ay hayaan. Booliska ayaa lakin uga shakisan inay ahayd nacayb muslimnimo.

Back To Top