Skip to content

Xildhibaan Abiib oo jawaab yaab leh ka bixiyay Qoraalkii u yeerista ee Guddiga Anshaxa ee Golaha shacabka

Xildhibaanka kursigiisa lagu muransan yahay ee Dr. C/llaahi Xaashi Abiib ayaa jawaab yaab leh ka bixiyay qoraal u yeeris ah oo 18-kii Bishan May ay u direen Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Golaha Shacabka, kaasoo looga dalbaday inuu guddiga ku hor yimaado muddo 30 maalmood ah, si uu uga jawaabo su’aalaha Guddigga.

Dr. Abiib ayaa jawaabtiisa u kala diray Guddoonka Baarlamaanka, Guddiga Anshaxa, Guddiga Arrimaha dibadda iyo xogheynta, wuxuuse ogeysiin ahaan ugu diray Madaxda Mareykanka oo ay ka mid yihiin Donald Trump, Wasiirka dibadda Mark Rubbio, in ka badan 10 xildhibaan oo ka tirsan Golayaasha Mareykanka, Qaar ka mid Warbaahinta Mareykanka, Hay’adaha UN-ka, safaaraddaha Dalalka dibadda ee Somaliya iyo Hay’ado kale oo calami ah.

 

 

JAWAABTA XILDIBAAN ABIIB

1-            C/llaahi Xaashi Abiib wuxuu marka hore caddeeyay inuusan imaan karin Muqdisho, isagoo sabab uga dhigay xaalad caafimaad, isagoo sheegtay inuu ku jiro baaritaan soconaya 4 bilood, soona bilowday 30-ka Abriil ilaa 10ka Agoosto, 2025, isla markaana dhaqtarkiisa uu ku wargeliyay inuu iska ilaaliyo safarrada, sida uu yiri.

 

2-            Sidoo kale xildhibaan Abiib wuxuu shaki geliyay sharciyadda iyo dhexdhexaadnimada Guddiga Anshaxa ee u yeeray, wuxuuna duray qaabka loo saxiixay qoraalka loogu yeeray. Wuxuu kaloo guddoomiyaha Guddigan Maxamed Ibraahim Cajiib ku eedeeyay inuu hore ugu hanjabay, kuna sameeyay cabsi gelin, dhibaateyn iyo ku xadgudub awoodeed, isla markaana uu diyaar u yahay inuu keeno caddeymo qoraal ah oo ku saabsan eedahaas; Wuxuuna Dr. C/llaahi Xaashi Abiib dalbaday in la dhiso Guddi KMG ah oo arrintiisa gala.

 

 

 

3-            Qodobka kale ee Xildhibaan Abiib qoraalkiisa jawaabta ah ku dalbaday wuxuu ahaa in si degdeg ah loogu soo celiyo xuquuqdiisii xildhibaannimo, sida: Lacagta gunnooyinka iyo xaqa mushaharka oo uu sheegay in si aan sharci ahayn looga hakiyey; wuxuu kaloo codsaday in dib loogu furo email-kiisa rasmiga ah ee Baarlamaanka iyo sidoo kale xogta ugu qorneyd bogga rasmiga ah ee Golaha Shacabka.

 

Ugu dambeyn Xildhibaanka kursigiisa lagu muransan yahay ee Dr. C/llaahi Xaashi Abiib wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inuu diyaar u ahay gudashada waajibaadka dastuuriga ah, isagoo ugu baaqayaa Xafiiska Guddoomiyaha in uu tallaabo degdeg ah ka qaado arrintiisa.

 

 

 

Dr. Abiib oo hore u diiday inuu Muqdisho yimaado xaaladiisa amni darted ayaa u muuqdaa inu hadda u bedelay arrin caafimaad. Sidoo kale wuxuu Guddoomiye Aadan Madoobe dhowaan ku tilmaamay inuu yahay guddoomiye hore, balse Qoraalkiisa cusub waxaa ka muuqdaa isbedel. Arrinta kaliya ee aan isbedelin ayaa inuu weli diidan yahay imaanshaha Muqdisho oo dacwadiisa ay salka ku heyso.

Back To Top