Skip to content

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee hey’adaha amaanka

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin iyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Kulankaan oo ahaa Hambalyeyn iyo soo dhaweyn ay saraakiisha Amniga ugu tageen Duqa Cusub ee Magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale loogu hadlay xoojinta wada-shaqeynta iyo in iskaashi laga yeesho sidii loo dar-dargelin lahaa Amniga Caasimadda.

 

Back To Top