Kulanka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan, waxaana soo xaadiray 87…

Maxaa laga filaya in aay ka soo baxaan shirka maanta soo idlanaya ee ka socda muqdisho
Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoona la filayo in dhinacyadii ka qeyb galay ay si wadajir ah u soo saaraan warmurtiyeed rasmi ah.
Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa si qoto dheer looga dooday arrimaha amniga, hanaanka doorashooyinka, iyo dib u eegista dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka. Doodahaasi ayaa la tilmaamay inay ahaayeen kuwo adag, iyadoo dhinacyadu ay muujiyeen aragtiyo kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Shirkan ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa hareeyay muran siyaasadeed oo salka ku haya qorshaha Madaxweynaha ee ku aaddan doorasho qof iyo cod ah, taasi oo si weyn uga hor yimid mucaaradka dalka. Xubnaha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa gebi ahaanba ka maqnaa shirkan, iyagoo si cad u diiday qorshaha doorasho ee Madaxweyne Xasan Sheekh, kuna tilmaamay mid aan la isku raacsanayn.
Sidoo kale, shirka waxaa ka baaqday ka qeyb galka madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyo sidoo kale madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaasoo dhammaantood aan ka mid noqon dhinacyada kulmaya ee gogosha wada hadalka.
Warmurtiyeedka laga soo saari doono maanta shirka ayaa waxaa uu diiradda saari doono horumarka laga gaaray doodaha siyaasadeed, iyadoo laga filayo in lagu xuso qodobbo la xiriira arrimaha doorashada, amniga iyo dardargelinta dastuurka.