Skip to content

Rasaas ay fureen Taliban oo ay ku dhinteen 2 qof

By abdinajib abdullahi
ugu yaraan laba qof ayaa dhimatay kadib markii Taliban ay rasaas ku fureen dad u dabaaldegayay maalinta xornimada ee dalka Afganistan
Illaa hadda ma cadda khasaaruha ka dhashay rasaasta ay fureen kooxda talibaan iyagoona wax jawaab oo degdeg ah aysan ka bixin dhacdadan.
Waqtiyada caadiga ah dalka Afghanistan maanta oo kale waxaa looga dabaal dagaa maalinta madax banaanida qaranka oo ku beegan 19 bishi sideedaad sanadkii 1919-kii xiligaas oo ay xuriyadda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska balse dibadbaxyada Jalalabad ayaa sare u qaaday rajada laga qabo in dadku ay u adeegsan karaan munaasabadda qaran iyagoo ka mudaaharaadaya xukunka Taalibaan.
Dhanka kale madaxweynihii Afghanistan Ashraf Ghani oo lagu eedeeyay inuu dalka isaga carararay ayaa sheegay inuu tixgalinayo talooyinka saraakiisha iyo fursad siinta wada hadalada sidoo kalena wuxuu beeniyay inuu dalka lacag kala baxay isagoo tilmaamay in hadii uu sii joogi lahaa dhiig badan ku daadan lahaa magaalada Kabul
xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top