By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Auburn Garsooore ayaa nin reer Lewiston ah maalintii isniinta ahayd ku xukumay 18 sano oo xadhig ah, kadib markii uu kufsi kula kacay ilma ka yar 12 sano.
Garsooraha maxkamada sare ee degmada Androscoggin Roland A. Cole ayaa xukun ku riday
Jonathan B. Stevens, oo 61 jir ah kadib markii lagusoo oogay dambi culus oo Kufsi guud ah.
Cole waxa uu stevens ku xukumay xabsi dheeri ah kadib markii 9 dembi oo kufsi ah, Sido
kalena waxa uu dhamaan qirtay dambiyadii 10 ka ahaa ee uu kujiray dacwadii xeerbeegtida
degmada Androscoggin bishii October 2020.
Stevens Marka lagasii daayo xabsiga waxaa uukujiri doonaa siidayn kormeer oo noloshiisa
oodhan ah, halka hadii uu kasoo bixi waayo shuruudaha siidayntiisa ay sababi karto in xabsiga
dib loogu celiyo noloshiisa oo dhan.
Falalkan oo dhacay intii udhaxaysay 2011 ilaa 2014 isla ilmo yar sida ku cad waraaqaha
maxkamada.
Intii xabsiga lagasii daayay Stevens ayaa ah inu isku diiwaangaliyo inuu yahay dambiile galmo
inta noloshisa kadhiman, mana yeelan karo wax xiriir ah oon lala socon lamana yeelan karo qof
18 kayar, sido kalena kana fogaado meelaha caruurtu ku kulmaan, mana gali karo internet
isagoon wax amara laga haysan sarkaalka asluubtiisa.
Qareenka Stevens. Justin Leary oo ku booriyay garsooraha in lagu xukumo xukun 17
sano,halka wakhtigaas oodhan la hakiyay marka laga reebo 5 sano ookaliya.
Leary, waxa uu xusay in Stevens uu qirtay dambiyadiisii markii uu uyimid sarkaalkii baaray.
This Post Has 0 Comments