Skip to content

In kabadan 4 milyan oo beeraley Ah oo la diwangaliyay 5 tii bilood ee laso dhaafay!

By Ayanle Dhiire (Boundless Media)

Dowladda dhexe ayaa shaacisay in muddo Shan bilood gudaheeda ah ay diiwaangelisay 4.2 milyan oo beeraley ah.
Macluumaadka wasaaradaha beeraha iyo arrimaha gudaha ayaa muujinaya in gobolka Rift Valley ay iska diiwaangeliyeen 1.2 milyan oo beeraley ah.
Waxaa soo raaca gobolka bari oo tiradan ay tahay 888,675.
Gobollada Nyanza, Galbeedka iyo Bartamaha dalka waxaa laga diiwaangeliyay min 663,438, 614,146, iyo 591,776 oo beeraley ah.
Dhanka Xeebta, tirada beeraleyda ee u diiwaangashan dowladda ayaa ah 235,779 , Waqooyi Bari (44,679) halka Nairobi tiradan ay tahay (6,738) .
16 ka mid ah ismaamullada dalka ayaa soo gudbiyay liiska ugu sarreeya ee beeraleyda.
Marka la eego dowlad deegaannada dalka, waxaa dhanka beeraleyda ugu badan ismaamulka Nakuru oo ag 230,787, Bungoma waa 203,310 qof halka Kakamega tiradan ay tahay (203,173).
Ismaamullada ugu hooseeya diiwaangelinta beeraleyda ayaa kala ah Isiolo, Mombasa, Marsabit, Wajeer iyo Garissa.
Dowladda dhexe ayaa bishii koowaad ee sanadkan billowday inay uruuriso macluumaadka beeralayda si loo keydiyo xogahooda saxda ah oo loogu qaybiyo bacriminta iyo agabka beeraha!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top