Skip to content

Afganbi ka dhacay dalka Niger yaa ka danbeeya?

By isxaaq Rashiid Ciidamada Militariga  dalka Niger ee ku yaalla Galbeedka Africa, ayaa telefishanka qaranka dalkaas kaga dhawaaqay afgembi.

Waxay sheegeen inay laaleen dastuurka dalka, oo ay kala direen dhamaan xarumaha kala duwan ee ku yaalla dalka, isla markaana ay xireen xudduudaha dalkaas.

Ciidamada ayaa Arbacadi shalay ahayd xiray madaxweynaha dalkaas Niger, Mohamed Bazoum, iyo ilaaladiisa.

Dalaka caalamka qaarkood ayaa cambaareeyay falkaasi afgembiga ee ka dhacay Niger, iyagoo ku tilmaamay wax aan la aqbali karin.

Madaxweyne Bazoum ayaa  lahaa  xulafo muhiimka ah oo reer galbeedka ku taagera dagaalka ka dhanka ah kooxaha ka dagaalama Galbeedka Afrika.

Laba waddan oo ay deris yihiin Niger, oo kala ah Mali iyo Burkina Faso, ayaa wajahay afgambi ay dabada ka riixayeen kooxaha Muslimiinta ah oo soo badanayay sanadihii u dambeeyay.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top