skip to Main Content

Al-Cadaala oo shaaca ka qaaday ujeed laga leeyahay xiisaddda Villa Soomaaliya

By Abdinajib Abdullahi

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) ayaa ka hadlay xaaladda siyaasasadeed ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka.

Al-Cadaala oo weerar ku qaaday Villa Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan xubno doonaya inay si xoog ah kusoo fariistaan Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ayaa sidoo kale xusay in loo baahan yahay in la dhowro waxa heshiiska lagu yahay, isla-markaana loo hoggaansamo go’aanka guddiga FEIT.

“Waxaan oo dhib ah maxaa loo marayaa oo dalka loo gelinayaa, waxaa loo gelinayaa qof raba in uu noqdo fowqal-qaanuun, qof dhahaya FEIT go’aan iima gaari karo waa in aan dhinac maro oo sida aan rabo qori ku gaari karo, meesha aan rabana qori ku fadhiisto, haddii sidaas lagu tagi karo maxaa dad badan bannaanka u joogaan, waxa na reebay waa waxa lagu heshiiyay” ayuu yiri Wasiir Cadaala.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya la doonayo in lagu fashiliyo dhammeystirka doorashada, gaar ahaan dhaarinta xildhibaanada labada aqal.

“Waa miino la rabo Baarlamaanka Soomaaliyeed, Dhaarinta & Doorashada lagu fashiliyo, in dadka qaanuunka inta lasoo dhinac marsiiyo oo lasoo dhex fadhiisiyo oo markaas meesha la isku qabsado oo la isku xabadeeyo oo qori & xoog isku baddesho,” ayuu markale yiri wasiir Cabdiraxaam Al-Cadaala.

Waxaa kale oo uu sii raaciyey “Haddii qori iyo xoog tahay walaalayaalow Niman boqol-boqol baabuur oo tikniko ah heysta ayaa bannaanka jooga Magaaladaan iyo Magaalooyinka kale ee Soomaaliya”.

Hadalka Al-Cadaala oo ka mid ah saaxibada siyaasadeed ee aadka ugu dhow ra’iisul wasaare Rooble ayaa kusoo beegmaya, xilli haatan uu sii laba kacleeyey khilaafka haatan u dhexeeya hoggaanka dalka, kaas oo salka ku hayo arrimaha doorashooyinka dalka.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top