skip to Main Content

Al-Shabaab oo shaacisay inay la wareegtay deegaan u dhow garoonka Kismaayo

By Abdinajib Abdullahi

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Yaaq-Raar oo u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab oo ka hadashay howl-galka ay kula wareegtay deegaankaasi ayaa shaacisay in dagaalyahanadeeda ay si buuxda kula wareegeen deegaankaasi oo hoostaga Jubbada Hoose.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa ku dhowaaqday in is-bedal maamul uu ka dhacay halkaasi, ka gadaal markii ay xoogagooda ay si nabadoon kula wareegeen deegaan weynaha Yaaq-Raar

Ciidamada Jubbaland ee ku sugnaa deegaankaas ayaa isaga soo baxay, waxaana kadib la wareegtay kooxda Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraalka ay baahisay kooxda.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo hadda laga dareemaya duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa qorshaheeda wuxuu yahay inay halis geliso amniga Kismaayo, maadaana ay ku soo dhowaaneyso magaaladan oo ay ka dhaceyso doorashada Golaha Shacabka.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhaq-dhaqaaqyadaasi.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyey kordhisay howl-gallada ay ka waddo gudaha dalka, waxaana ka mid ah howl-galkii ay kula wareegtay deegaanka Ceeldheere ee Dhuusamareeb iyo midkii ay ku qabsatay Matabaan inkastoo ay dib uga baxday halkaasi.

xaqaaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top