By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Al-Shabaab oo shaacisay magaca & qabiilka ninkii fuliyey qaraxii labaad ee Beledweyne
By Abdinajib Abdullahi
Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qarixii labaad ee todobaadkii hore ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaare kala duwan.
Hadal dardaaran ah oo laga duubay ninkaan ka hor inta uusan fulin weerarkan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lala beegsaday dhaawacyada ka dhashay qarixii koowaad ee ka dhacay xarada Lamagalaay ee lagu dilay xildhibaan Aamino ayaa macagiisa ku sheegay Maxamed Nuur Aadan Cali (Khaalid Yare), da’diisuna tahay 23.
Khaalid ayaa ku sheegay wareysiga laga duubay inuu kasoo jeedo Beesha Dabarre, gaar ahaan Jufada Gaashmooge, isla-markaana uu ku dhashay deegaanka Kurtun oo ka tirsan degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inuu markii hore ka tirsanaa garabka loo yaqaano Jeyshka, ka hor inta aanu ku biirin kooxda ismiidaamiyeyaasha ah.
Waxaa Maxamed Nuur Aadan Cali (Khaalid Yare) ka horreeyey Maxamuud Cabdulqaadir oo ahaa wiil 25-sano jir ah, kaas oo isku qarxiyey Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed, sida ay baahisay koooxda Al-Shabaab oo sii deysay cod laga duubay ninkaasi.
Sida uu codka la baahiyey ku sheegayo Maxamuud ayaa ka dhashay beesha Mareexaan, wuxuuna ka sii ahaa Jufada Cali-Dheere.
Qaraxayadaan oo dhacay 23-kii bishaan March ayaa qal-qal xoogan ka abuuray magaalada Beledweyne, waxaana ku dhintay illaa48 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 108 kale, oo isugu jiray musharixiin xil doon ah, odayaal dhaqameed, askar iyo dad kale oo shacab ah.
Xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media