skip to Main Content

Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday wasaaradda waxbarashada

By Abdinajib abdullahi

Laba qarax oo culus iyo rasaas xigtay ayaa goordhow laga maqlay agagaarka isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegaan wararka soo gaaraya Boundless media.

Warar hordhac ah oo ay heshay Boundless media ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay weerar qarax ku billowday ku qaadday Xarunta Wasaaradda Waxbarashada oo ku taalla aagga Laami Yaraha Zoobe, waxaana gudaha u galay dabley hubeysan oo ka tirsan kooxdan.

Waxaa markii koowaad la maqlay hal qarax, haddana daqiiqado kooban kadib waxaa xigay qarax kale oo xooggan oo isla goobta ka dhacay, kaasoo lagu sheegay inuu ahaa qarax ku xirnaa gaariga ay ka dageyn dableyda weerarka soo qaaday.

Waxaa gudaha xarunta laga dhex maqlayaa rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayaan ciidamada dowladda iyo dableydii weerarka soo qaaday.

Waxaa laga cabsi qabaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac marka la eego sida ay u xoog badnaayeen qaraxyada, oo laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah caasimadda.

Waa wareerkii labaad oo Al-Shabaab ay ku qaaday xarunta wasaaradda waxbarashada. Koxodan ayaa sidoo kale weerar ku galay xarunta sanadkii 2015.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top