Skip to content

Amaanka magalada nairobi oo siweyn loo Adkeyay kahor shirka isbedelka cimilida Afrika

By Ayanle Dhiire 

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Nairobi ayaa si wayn u adkeeyay amniga magaala madaxda wadanka ka hor fuitaanka shirka isbeddelka cimillada Afrika.
Shirkan ayaa berri ka furmi doona xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu shirkan socon doona inta u dhexeyso 4-ta ilaa 6-da bishan.
Waxaa inta uu shirka socdo la xiri doonaa qaar ka mid waddooyinka bartamaha caasimadda wadanka ee CBD-da.
Waddooyinka la xiri doono ayaa kala ah waddada Taifa, midda aada dhismaha baarlamaanka wadanka, xarunta dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi iyo waddada Harambee Avenue.
Waxaa arrimahan ka hadlay taliyaha booliiska ee ismaamulka Nairobi, Adamson Bungei

”Waxaa shirkan lagu casuumay dhowr iyo toban madaxweyne oo Afrikaan ah.
Sidoo kale waxaa shirkan ka qaybgeli doona xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr. Antonio Guterres!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top