By isxaaq Waxaa magaalada muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirka madaxda dowladda dhaxe iyo maamulada…

Amniga Guud Ahaaan dalka kenya oo siweyn loo Adkeyay
By Ayanle Dhiire
Waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka guud ee dalka iyadoo siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ay doonayaan inay maanta ilaa Jimcada dhigaan dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan dowladda.
Waxaa inta badan xiran goobaha ganacsiga ee magaalooyinka waawayn oo ay ka mid tahay caasimadda dalka ee Nairobi.
Sidoo kale waxaa aad u yar dhaqdhaqaaqa shacabka marka loo barbardhigo maalmihii hore.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dibadbaxayaal ay saaka taayarro ku gubeen qaybo ka mid ah waddooyinka ismaamulka Kisumu ee gobolka Nyanza.
Waddooyinka dhagaxaanta lagu gooyay waxaa ka mid ah wareegga dugsiga sare ee Kisumu Boys.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki ayaa sheegay in saraakiisha ammaanka ay sameyn doonaan wax kasta oo ay awoodaan oo dastuurka waafaqsan si ay ula tacaalaan dibadbaxyada.
Mucaaradka ayaa dhankooda ku adkeysanaya inaynan marnaba ka laaban doonin qorshahooda ilaa iyo inta dowladda dhexe ay ka tanaasulaysa dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan sidoo kalena ay hoos ugu dhigaysa qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Hoggaamiyaasha sare ee Azimio ayaa xusay in aynan marnaba cabsi gelin doonin tallaabada la sheegay in lagala laabtay ciidamadii ilaalinayay.
Sidoo kale abaare 5-tii galabnimo ee shalay ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in dib loogu yeeray ciidamadii ilaalinayay guriyaha Mama Ngina Kenyatta oo ah hooyada madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
Guriyahan oo ku kala yaalla xaafadda Muthaiga ee magaalada Nairobi iyo deegaanka Gatundu ee ismaamulka Kiambu ayaa ilaa 8 sarkaal oo isugu jiray booliiska caadiga ee AP-da iyo saraakiisha sida militariga u tababaran ee GSU-da ee ku sugnaa waxaa lagu amray inay iska xaadiriyaan saldhigga booliiska ee ugu dhow.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda gaadiidka , waddooyinka iyo howlaha guud ee dalka Mr. Kipchumba Murkomen ayaa madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio, Raila Odinga ugu baaqay inuu baajiyo dibadbaxyada .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay mas’uuliyad ka saaran tahay oo uuna saameyn siyaasadeed u leeyahay xaqiijinta xasiloonida.
Murkomen ayaa qoraal ku sheegay inuu rajeynaya in dib loo billaabo wada haddaladii baarlamaaniga ee u dhexeyay wakiillada dowladda dhexe iyo mucaaradka
This Post Has 0 Comments