By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Aqalka Sare oo ansixiyey xubnaha ku metalaya guddiga dastuurka
By Abdinajib Abdullahi
Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay gudaha magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoomiyey mudane guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Kulankan ayey Senataradu isaga soo dhex-xuleen shanta xubnood ee ku metali doono guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta dastuurka ee labada Aqal ee Soomaaliya.
Kadib guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku dhawaaqay magacyada xubnaha lasoo xulay waxayna kala yihiin:-
1-Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo laga soo doortay dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
2-Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) oo laga soo doortay dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo.
3-Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo isna laga soo doortay dowlad goboleedka Jubbaland, gaar ahaan Magaalada kismaayo.
4-Saalax Axmed Jaamac oo hadda ah wasiirka dastuurka, isla-markaana Aqalka Sare ku metala Gobolada Waqooyi ee (Somaliland), laguna doortay magaalada Muqdisho.
5-Xasan Xuseen Xaaji oo hadda ah Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya, lagana soo doortay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo.
Xubnahan ayaa waxaa kusoo biiri doono xildhibaanno kale oo laga soo xuli doono Golaha Shacabka, waxayna si wadajir ah uga shaqeyn doonaan dhammeystirka dastuurka dalka.
xaquuqda weydhowrantahay Boudless media