Skip to content

Aqriso Maxuu Dr Abdullahi ali ka yiri wasaxafadeedka aay soo saarin Axmed madobe &Deni fariin la yaable ayuu diray

Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa war-murtiyeed ay saaka ku soo saareen magaalada Garoowe si adag ugu dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku eedeeyay ku tagrifalka awoodaha Federaalka si loo cabburiyo dowlad-goboleedyada aan la aragti ahayn Villa Soomaaliya.
Puntland iyo Jubbaland waxay si gaar ah uga cawdeen maamulka hawada Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay si sharci-darro ah ugu takri-fashay awoodaha maamulka hawada. Waxay intaa ku dareen inay cabashadooda si rasmi ah ugu gudbiyeen hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan arrimaha duulista rayidka ah.
Deni iyo Axmed Madoobe waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen wax kasta oo kasoo baxay isbeddelka lagu sameeyay dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka, iyagoo ku adkaystay in isbeddel kasta uu ku imaan karo oo kaliya wadatashi iyo heshiis qaran. Waxay soo dhoweeyeen dadaallada Madasha Samatabixinta Qaranka, oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah ee Soomaaliya.

Dr abdullahi barre ahna musharax madaxweynaha jubbaland si weynna uga soo hor jeeda is doorashadii uu kismaayo ku sameystay Axmed madoobe ayaa ka falceliyay warsaxafadeedkii aay soo saareen labada madaxweyne ee Jubbalnd iyo kan Puntaland  Dr abdullahi oo aan qarsan afkaartiisa hadaladisuna cad cadyahiin

Qoraal kooban uu uu ku daabacay bartiisa Fecebook ayu ku yiri sidaan

Madaxweyne Deni sadex haloo sheego;
1. In doorashada federalka ah iyo taladeedu y  tallo Xamar ; mucaarad iyo muxaafid ba.
. In Axmed Madobe talana hayn, taagna hayn.
3. Iyo In dadka reer Jubaland aayahooda ka tashan doonaan.

Back To Top