Skip to content

AS oo Weerar ku Qaaday saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baraawe

By isxaaq Rashid Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay xalay AS ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baraawe ee Shabeelaha Hoose.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo degan xerada iyo xubnihii AS ee weerarka ku qaaday halkaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo hub culus oo ay is weydaarsadeen labada dhinac, inta uu socday dagaalka dhex maray.

Ciidamada ATMIS ayaa lasoo wariyay in iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, waxaana ugu dambeyn dib u laabtay maleeshiyadii AS  ee beegsatay saldhiggaasi.

AS oo war kasoo saartay dagaalkan waxa ay barahooda bulshada ku sheegtay inay weerartay saldhig ay leeyihiin ciidanka Uganda, ayna khasaare gaarsiisay, inkastoo aysan shaacin tiro rasmi ah.

Dhankooda ciidamada ATMIS oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ayaa dagaalka kadib howlgallo ay ku baacsanayaan ragga soo weeraray ka sameeyay aagga Baraawe

Xaalada ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca ATMIS iyo saraakiisha dowladda oo ku aadan dagaalkaas iyo howlgallada.

Ciidamada Uganda ayaa marar badan weeraro kala kulmay AS, waxaana aad loo xasuustaa weerarki askarta badan looga dilay ee horraantii 2023-kii ka dhacay magaaalada Buulo-mareer.

Maalmihii u dambeeyay AS ayaa kordhisay weerarada ay ka fulineyso gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana weerarkii ugu dambeeyay oo lagu dilay askar iyo saraakiil uu kamid ahaa Liibaan Golcad uu ka dhacay deegaanka Dhanaane oo tirsan gobolkaasi.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top